|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Kooxo Hubeeysan ayaa xalay Weeraray Guriga Taliye Xigeenka Saldhiga Booliiska Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, isla markaasina Dab Qabadsiiyay Gurigii uu lahaa teliye Xigeenka.
Xalay Saqdii dhexe ayaa kooxo hubeeysan waxaa ay weerar ku qaadeen Guriga Taliye Xigeenka Saldhiga Ciidanka Booliiska Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Cali Yare, waxaana lagu waramaya eerarkasi kadib in Gurigiisa ay dab qabadsiiyeen Kooxihii weerarka ku soo qaaday Teliye Xigeenka.
Kadib weerarkaasi ayaa waxaa halkaasi ka dhacay iska hor imaad socday qadar daqiiqado ah, waxaana la isku weeydaarsaday baasuukayaal iyo weliba hubka Daran dooriga u dhaca, lama oga illaa iyo hada wax qasaare ah oo soo kala gaaray labada dhinac marka laga reebo gurigaasi gubtay.
Saaka waabarigii ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay ka bilaabeen agagaarka guriga Taliye Xigeenka ee la gubay howlgalo,kas oo ay ku qab qabteen dad isgu jiray Culumaa’udiin,Arday iskuul u socatay iyo Ganacsato,waxaana weli socda Holgakaasi.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Degmada Dharkeenleey ku soo badanayay iska hor imaadyo dhexmarayey Ciidamada Dowladda iyo Xoogag ka soo hor jeeda, kaasi oo inta badan qasaare ay ka soo gaarto dadka rayidka ah.
Xalay Salaadii Maqrib kadiba ayeey aheeyd markii Kooxo ku hubeeysan Bambooyin iyo Bastoolado ay weerar Bambaano ku qaadeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda,kaasi oo dhalisay halkad ku yimid isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo marayey qeeybo ka mid ah Degmada Dharkeenleey.
|